AKHRISO:- Shil gaari khasaarane geeystay oo ka dhacay duleedka Garoowe

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal.

Ciidanka booliska Puntland ayaa xaqiijiyay shilkaan in uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Bosaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta aanu shilku dhicin.

Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe.

Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Bosaso.