AKHRISO:- Qaabka Guud Ee Rukhsadaha Isgaarsiinta & Teknolojiyada Dalka Oo La Soo Bandhigay

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka (Unified Licensing Framework – ULF), kaas oo lagu nidaaminayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirkadaha isgaarsiinta, teknolojiyada, warbaahinta, iyo wasaaradaha dawladda ee ay khuseyso.

Nidaamkan cusub ee ULF ayaa u oggolaanaya shirkadaha isgaarsiinta in ay bixin karaan adeegyo kala duwan iyagoo isticmaalaya rukhsad aan ku xirneyn teknolojiyad si loo dhiirri-geliyo hal-abuurka, dadweynahana loogu fududeeyo inay shirkadaha ku kala xulan karaan hadba teknolojiyada ay xiiseynayaan. Ka sokow noocyada loo kala qeybiyay, hannaanka cusub wuxuu shirkadaha ku waajibinayaa shuruudaha looga baahan yahay marka ay adeegga bixinayaan si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tan dawladda.