AKHRISO:- Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis Sameeyay

0

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi u magacaabay muran ka taagan dhul beereed ku yaala degaanka Gargaara.

Wasiirka wasaarada horumarinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo gudoomiye u ah guddidan uu madaxweynuhu magacaabay ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ku jira guddidan iyo hawlaha u yaala.

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in guddida madaxweynuhu magacaabay ay xubno ka yihiin.

1.Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore

2.Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi.

3.Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed.

4.Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye

5.Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Naasir Caydiid.

6.Wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay safar ay ugu baxayaan deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada Lughaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay waanu imanaynaa waxaanan rabnaa inaanu si nabad leh u xalino wixii lagu kala duwan yahay, cidina yaanay na tirsan, cid aanu dhib u wadnaa ma jirto, cid cadaala daro lagu samaynayo ama xaqooda laga qaadayaana ma jirto.

Wasiir Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaa weeyaan in umada la dhagaysto oo lays fahmo oo laga wada hadlo wixii lagu kala duwan yahay, wixii caqliga, aqoonta iyo sharcigu yidhaahdana lagu kala yidhaahdo, waxan meesha ka dhacayna wax cusub maaha waana wax maalin walba ay somaliland xaliso.”