Abiye oo Jabuuti u jooga xallinta khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda IGAD

0

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku sugan Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti waxaana uu halkaas u tagay xallinta khilaaf u dhaxeeya dalalka ku jira urur Goboleedka IGAD.

Khilaafkan ayaa ka dhashay kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Adis ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Kulankaas ayaa waxaa lagu go’aaminayay sida loo kala qaadanayo xilalka Guddoomiyaha iyo xoghayaha joogtada ah ee IGAD oo uu waqtigoodii dhamaaday.

Intii uu kulanka socday inta badan dalalka ku jira IGAD ayaa isku raacay in labada dal ee Kenya iyo Itoobiya oo kala hayay guddoonka iyo xoghayaha ay is weydaarsadaan.

Abiye ayaa oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in uu xilkaas ku wareejiyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kenyana waxaa ay wareejin doontaa xoghayaha guug ee IGAD oo uu ku fadhiyo Maxbuub Macalin oo Kenyaan ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa qeyb ahaan ka soo horjeestay arrintaas waxaana ay siiba dowladda Jabuuti ku dooday in guddoonka iyo xoghayuhuba noqdaan wareegto marba dal qabto halka ay Kenya iyo Itoobiya kaliya iska heysanayaan.

kala duwanaanshahaas ayaa sababay in Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed uu u tago dalka Jabuuti si uu Ismaaciil Cumar Geelle ugu qanciyo xil wareejinta lagu wado in bisha soo socota ka dhacdo Magaalada Nairobi.

Soomaaliya oo dooneysa xilka Xoghayaha IGAD ayeysan u suuragalin,waxaana jira in dowladda Soomaaliya lafteeda aysan qof rasmi ah magacaaban marka laga reebo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/Salaan Hadliye Cumar oo xilkan doonayay intii ay jiray dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.