AKHRISO:-Taliska Xoogga Oo Beeniyay In Ciidanka Dowladda Ay Ka Baxeen Deegaanka Ceelka Geelow

0

Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Saalax Muumin Muuse (Saalax yacquub) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada ay ka soo baxeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in uu hadda ku suganyahay mid ka mid ah deegaannada ee la sheegay in Ciidamada dowladda ay iskaga baxeen, kuwaasoo uu ka mid yahay deegaanka Ceelka Geelow,isagoo sheegay in ay sameeyeen ilaa 5 koontarool oo Ciidamadu ay ka sugayaan ammaanka Wadadda u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Sidoo kale Janaraalka ayaa shacabka ku nool deegaanadaasi uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada dowladd Federaalka.

Janaraal Saalax Muumin Muuse ayaa tilmaamay in ay Ciidamadu isku diyaarinayaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab,isagoona sheegay in howlgal ay ku doonayan inay ku qabsadaan deegaano horleh.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay la wareegeen Ceelka Geelow oo kaabiga ku haaya deegaanka Qaliimow,kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidanka DFS.