Mustafe CAGJAR oo War kasoo saaray Maalinta Murugada Badan ee 14-Oktoobar

0

Madaxweyanaha Maamulka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii 14-ka Oktoobar ee Maanta oo kale ka dhacay Isgoyka Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyanaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soamaaliyeed iyo eheladii dhamaan dadkii ku dhintay Qaraxii Musiibada ahaa ee Maanta oo kale ka dhacay Isgoyska Soope ee Muqdisho.

“14-Octobar (XUSUUS QARAN ) waxay ahayd Maalin Murugo iyo tiiranyo u leh umadda soomaliyed dhamaanteed, waa Maalin aanan ka go’idoonin quluubta dadka Soomaaliyeed wa maalintii hal goob ku dhinteen Boqolaal qof oo Soomaali ah Boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska EX-zoope 14-ka OCTOBAR” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cumar.

Mustafe Cagjar oo sii hadlaayay ayaa sheegay in Xukumadiisu la qayb sanayso shacabka Soomaaliyeed Xanuunka iyo Tiiraanyada maadama ay waayeen kuwii ay jeclaayeen.

”Xukuumadda deegaanka Soomaalida, Waxay tiiraanyada laqayb-sanaysaa dhamaan umadda somaliyed iyo eheladii dhamaan dadkii ku shahiiday halkaas, waxaan alle uga baryaynaa in janadiisa firdawsal-aclaa kumanaysto, intii xanuun ka soo gaarayna allaha uboga-dhayo”.

Magaaladda Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ay ka qayb galeen maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne badan oo lagu xusaayay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku geeriyootay Qarixii 14-Okt-2017 kadhacay isgoyska Zoobe ee KM5 magaalada Muqdisho.