James Swan Oo Ka Hadlay Qaraxii14-Ka October

0

Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii xooganaa ee sanadkii 2017-kii maanta oo kale ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

James Swan ayaa sheegay in dilka iyo dhawaaca maalintaasi loo geystay Soomaali fara badan aysan ka go’in xasuustA, islamarkaana Ay muruga la qeybsanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Dilka & dhaawac macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali farabadan ayaan weli ka go’in xasuusteena,waxaana dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada kasoo gaartay iyo qoysaskooda adkeysiga iyo dhiiranaanta Soomaalida  kadib weerarkaas & kuwo kale oo ay geysteen Kooxaha xagjirka ayuu yiri.” James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Qaramada Middoobay ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabkeeda, islamarkaana ay ka go’an tahay, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan Soomaaliya.