DAAWO:-Siyaasigii Dhaliilsanaa Xukuumadda Madaxweyne Deni Oo Maxkamad La Soo Taagay

0

Maxkamadda Darajada koobaad ee Gobolka Bari ayaa maanta la horgeeyay Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland,kaasi oo lagu xiray Magaalada Boosaaso.

Siyaasi Muuse Jaamac ayaa ruux ah siweyn u dhaliisan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona lagu eedeeyay inuu geystay  “Aflagaado Maxkamadeed”.

Muuse Cali Jaamac ayaa dhawaan Warbaahinta u akhriyay War-murtiyeed kasoo baxay Shir ay Boosaaso ku yeesheen Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari,waxaana qodobada ka soo baxay Shirka lagu dhaliilay Xukuumadda Talada heysa ee Puntland iyo Khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.