TOP NEWS:-Safarka Aadan Barre Ducaale Ee Kismaayo Oo La Dhaliilay

0

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Wafdigan oo watay diyaarad qaas ah ayaa ka soo duulay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, iyaga oo si toos ah uga dagay garoonka Kismaayo, xilli markale dowladda Somalia ay xalay xayiraaraad ku soo rogtay duulimaadyada tooska ah ee magaaladaasi.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa xubnaha ka socda Kenya ku soo dhoweeyey halkaasi, iyaga oo ka qeyb galaya caleema saarkiisa oo haatan socota.

Waa markii labaad oo ay  Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo, iyadoona horay dowladdu ugu dacweysay hay’adda ICAO ee QM, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo.

Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey Kenya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Kenya ay si gar darro ah ugu soo xadgubudtay hawada iyo badda Soomaaliya.

Waxa kale uu sheegay Xildhibaanku, haddii ay Soomaaliya lahaan laheyd cududii Milatari ee xilligii bariisamaadka aysan ku soo xadgubi laheyn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay isku qaldeyso xisbiga tallada dalkaasi haya ee Jubbalii iyo Jubbaland, islamarkaana waxa ay doonto ka sameysaneyso gudaha magaalada Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda ee dacwadeedu taallo Maxkamadda ICJ, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka, Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii dib loogu doortay.