Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor ah sannadkii 1954.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 65 sanno ka hor la taagay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo gashay sidii ay xornimadeeda u hanan lahayd, calan xor ahna u yeellan lahayd.”

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dowladnimadii, sharafkii iyo qabkii Soomaaliyeed ugana bixi lahaayeen qoqobka iyo qabyaaladda, isla markaana ula dagaallami lahaayeen argagixisada u oomman daadinta dhiiggooda.

“Munaasabaddan qiimaha leh darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u dhiska dalka iyo dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunweynaha.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay sidii waddanka looga hirgelin lahaa nidaam dowladnimo oo ay ku soo hirtaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo in la soo celiyo sharafkii uu calankeennu lahaa.