DAAWO:-Madaxwaynaha Rwanda oo Jawaab ka bixiyey Arinta Somaliland

0

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta aqoonsi raadiska Somaliland, ka dib markii gabadh Kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo ka Qayb gashay Shirka Dhalinyarada Afrika oo dalkaasi lagu qabtay  ay codsatay in Rwanda ay aqoonsato Somaliland.

Madaxwayne Paul Kagame ayaa arrinta aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay su’aal adag, isagoo sheegay in marka aqoonsi la doonayo loo maro nidaam caalamiya oo uu hagayo sharci iyo siyaasad.

“Anigu waxba kama qaban karo shaqsi ahaan imikadan aan hadlayo waa mid loo baahan yahay in shuruudaha la buuxiyo.”  Ayuu yidhi Kagame oo ka hadlayay shirka dhalinyarada Afrika oo ka qabsoomay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

“Waan maqlay in Somaliland ay ka go’day dawladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale abuurmay dawlad gobolleedyo kale, dawladda federaalkuna ma ogola go’itaankiina laakiin waa mid ku xidhan sida aad shuruucda caalamiga ah iyo nidaamka dawladaha lagu aqoonsado aad u buuxisaan”, ayuu intaas ku daray hadalkiisa madaxwyne Paul Kagame.