Akhriso:-Ahlusunna Oo Ka Hortimid Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa looga horyimid Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad Goboloeedka Galmudug oo dhawaan ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Caddeeyay in Guddiggas uusan aheyn mid  waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka Galmudug.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Madaxda Xukuumadda Galmuduga ayaa lagu sheegay in Magacaabista Guddiga uu baalmarsan yahay Heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Galmudug .