AKHRISO:- Khasaaro ka dhashay qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay G/Hiiraan

0

Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi qarax lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo kamid ah howlgalka AMISOM.

Warar kala duwan oo qaraxaasi kasoo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xilli ay ku sugnayeen Bartamaha Suuqa degmadaasi bambaanooyin lagu weeraray halka warar kale ay sheegayaan in miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay.

Inta la xajiiyey qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Afar Ruux oo laba kamid ah ay yihiin Ciidamada Jabuuti,isla markaana ay jirtay rasaas ay fureen Ciidamada Jabuuti balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudo kooban ay ciidamad Jabuuti ay hakiyeen isku socodka dadka iyo ganacsiga Suuqa degmada Jalalaqsi xilliga qaraxa lala eegtay,hayeeshee xaalada haatan ay tahay mid degan.