Shir Deg-Deg Ah Oo Hoggaanka Ahlusunna Uga Socda Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmuduga gaa ahaan Xarunta Inji waxaa haatan Shir deg deg  ah uu uga socdaa Hogaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca.

Shirkan oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay Arrinta Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug oo xalay ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Shirka markii uu soo dhammaado Ahlusunna Waljameeca ay Go’aan adeg soo saari doonaan.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug ee xalay la magacaabay Ahlusunna aysan wax xubin ah ku laheyn.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magacaawday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug,.

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood,kuwaasi oo soo dhisi doona Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.