SAWIRRO:-Wasiirka Amniga oo kormeeray hannaanka uu ku socdo wajiga labaad ee dib u habeynta Booliska

0

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa maanta kormeeray hannaanka uu ku socdo wajiga labaad ee dib u habeyna Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hannaanka dib u habeynta Ciidamada Booliska ayaa la marinayaa nidaamka Biometrics, taasoo qeyb ka ah horumarinta Booliska

Intii uu Wasiirku ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu ugu kuur galay xafiisyada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu boggaadiyay sida ay u socdaan howlaha dib u habeynta Ciidamada Booliska.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay howlwadeenada qeybta ka ah horumarinta Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay inay dardar geliyaan howsha.