Kenya oo jawaab ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay ICAO

0

Dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dacwadda ay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya u gudbisay hay’adda maamlka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa iska fogeeyay arrintaas waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay Kenya ku eedeyneyso shaqadii ay iyada ahayd in ay qabsato.

Sarkaalka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay Hawada ku qabato diyaaradaha ku xadgudba hawadeeda hayeeshee aysan ahayn in ay ku eedeyso Dowladda Kenya.

Waxaa uu intaas ku daray in Kenya ay tahay dal u hoggaansan xeerarka Caalamiga ah islamarkaana aysan shaqo ku lahayn diyaaradda ku xadgudubtay hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda ICAO gaarsiisay ashtako ka dhan ah kenya kaddib amrkii diyaarad ka soo duushay Nairobi ka dagtay Magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa dab ku sii shidday muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal oo ka dhashay ku xadgudubka Kenya ee biyaha Soomaaliya.

Arrintaas ayaa sababtay in Soomaaliya ay Maxkamadda ICJ u gudbiso dacwad ka dhan ah Kenya taas oo dhegeysigeeda loo ballansanyahay 4ta Bisha Novermber inkasta oo Kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mar saddexaad.