Hogaamiyaha Puntland Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

0

Hogaamiyaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweyne Deni ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada,waxaana la filayaa in saacadaha soo socoda halkaas ay gaaran.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland Saciid Den ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Xaflada Caleemo-saarka Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa xalay iska diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo dhawaan lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxweynaha Puntland aya xaqiijiyay in Maanta uu u safrayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.