DAAWO:-Jubbaland oo ka Hadashay Maxakamadda Lasoo taagay Wasiirkii Amniga iyo Xadhigiisa Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan Maxkamad lagu soo taagay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo masuul kale oo lagu hayso Dambiyo ay gaysteen.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ka xunyihiin Xadhiga iyo Maxkamadda lasoo taagay Xubnahaasi.

“Hadii sharciga lagu dhaqmi waayo, waxaynu ku noqonayaa dagaaladii sokeeye iyo in la waayo Qaranimadii, Xukuumadudu waxay inkiraysaa  Sharciga,  Wasiir Halgaamaa ah in dawladiisii ay xidho  waa nasiib darro , Cidii wax tabanaysa waxa Xaq u leeyihiin inay  ka Dacweeyaan maxkamadaha Jubbaland.“  Ayuu yidhi Sayid Aadan.

Wuxuuna isagoo hadalkiisa wata sheegay inay Cawaaqi Xumo ka dhalantoodo Xadhiga Masuuliyiintaasi.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha maamulka Jubbaland,  Axmed Madoobe oo dhowr jeer dib u dhacday, Wuxuuna xusay in marka Martida lagu casuumay ay yimaadaan ay Qabsoomi doonto.