AKHRISO:- Xaaf Oo War Kasoo Saaray Magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug

0

Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya xalay ay ku dhawaaqday Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa waxaa arrintaasi War ka soo saaray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War-saxaafadeed ka baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magacaabista Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug,kuwaasi oo ka shaqeyn doona dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dhismaha guddiga ay maamul ahaan kala qayb qaateen Wasaaradda,isla markaana ay kala sii shaqeyn doonaan howlaha harsan inta maamul dhameyatiran oo loo dhan yahay looga dhisayo Galmudug.

Ugu dambeyntii Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhammaan shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan dhameystirka Galmudug mid ah.