AKHRISO:- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ka soo jeeda Puntland oo gaaray Boosaaso

0

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa maanta gaaray Boosaaso, waxaa wafdiga Wasiirada ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed iyo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa ah ergo dowladda Federaalka ka wakiil ah ah oo u socda xalinta arrimaha khilaafka dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada ah ujeedkooda yahay sidii ay u bilaabi lahaayeen is faham dhex mara dowladda Federaalka iyo Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya qorshaha Wasiiradan ay wadaan waxaa ka mid ah sidii Puntland u joojin laheyd u taageerada Maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kulamo kala duwan ay u socdaan Wafdigan ka socda Xukuumadda iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Lama oga sida Wasiiradan ka socda Xukuumadda ugu guuleysan karaa inay xalliyaan tabashada Puntland iyo sida ay isugu soo dhoweyn karaan Federaalka.