AKHRISO:- Wasiir Cansuur oo sheegay in la bilaabayo dirista boostada dalka

0

Dalka Soomaaliya ayaa maanta boostada caalamka la xusaya Maalinta Boostada Adduunka, iyada oo sanadkan ay ku soo aadeyso xilli Boostada Soomaaliya ay u buuxsantay muddo 60 sano ah markii aan xubinta ka noqonay Ururkaas.

Isaga oo ka hadlayay xuska munaasabaddan, ayaa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, waxa uu sheegay in ay heer gabagabo ah marayaan dadaallada dib loogu billaabayo dirista boostada dalka, taas oo dhammaystiri doonta dib-u-howlgelinta boostadii dalka.

Md. Eng Cashuur ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd boostada dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada boostada casriga ah iyo kuwa dawladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga teknolojiyada adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta boostada maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1969-kii . Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ku biirtay Midowga Boostada Adduunka 1dii Abriil 1959-kii, taas oo ah waqti ka horreeyay qaadashadii gobannimada. Hase yeeshee nasiib darroo adeeggaas oo ay ka shaqeyn jireen in ku dhow 3 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa la burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.