Akhriso:-Taliyaha Ciidanka Haramcad oo ka badbaaday iskuday dil

0

Ugu yaraan Afar Askari ayaa dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qarax Miino uu la kacay Gaari ay la socdeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Koontaroolka Siinka Dheer iyo Isbitaalka Al-Berri halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka dhashay.

Kolonyada Ciidanka Haramcad ee weerarka la kulmay waxaa la socday Taliyaha Ciidankaas Farxaan Qaaroole.

Todobaadkii hore Qarax Miino oo ka dhacay isla waddadaas waxaa ku geeriyooday Lix Askari oo ka mid ahaa Ciidanka DANAB,waxaana ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidankaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yare.

Weerarrada Miinooyinka ahaa ku sii kordhaya Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo sidoo kale uu dib u dhis ka socdo.