AKHRISO:- Safarkii Madaxweynaha Puntland ee Kismaayo oo dib u dhac ku yimid iyo diyaaradii siday oo Garowe ku degtay

0

Diyaaraddii siday Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa goor dhow ka degtay magaalada Garowe, kaddib markii ay ka soo ambabaxday magaalada Boosaaso.

Sida wararku sheegayaan diyaaradda ayaa la filayay inay xubno ka mid ah wafdigiisa ka qaado magaalada Garowe, waxaana la filayay inay galabta ka dhoofaan Garowe oo Kismaayo u duulaan.

Wararka ayaa sheegaya in safarkooda maanta uu baaqday sababo la xiriira in xilliga ay ku beegmayaan Kismaayo ay noqoneyso Habeen, maadaama garoonka Kismaayo uu laheyn nalalka diyaaraduhu ku degaan garoonka xilliyada habeenkii.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Wafdiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay maalinta berri u ambabixi doonaan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale diyaaradda ayaa caawa ku hoyaneysa Garoonka diyaaradaha Garowe, si ay berri u qaado wafdiga Madaxweynaha Puntland.