Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo xaalada guud ee dalka

Kalfadhiga lixaad ayaa maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

Kalfadhiyadii 5aad iyo 4aad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay iyada oo xilligaas guddoonka labada aqal uu ka dhaxeeyey khilaaf haseyeeshee, dhawaan ayey labada dhinac ay xalka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay taas oo hadda suurta gelineysa in Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta iskumar uu furo Madaxweynaha Soomaaliya.