AKHRISO:- Guddoomiyaha Aqalka Sare oo farriin u diray Madaxda Dowladda

0

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Maanta khudbad ka jeedinayey munaasada Kal-fadhiga 6aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay inay xaliyeen khilaafka kala dhaxeeya Dowlad goboleedyada.

Waxaa uu goobta ka sheegay inay waajib tahay in khilaafkaas xal lag gaaro,kaa s oo sigaar ah ugu dhaxeeya Maamul goboleedyada puntland iyo jubbaland iyo Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayu Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday in ay dhisto Golaha adeega garsoorka Dalka,kaas oo xilligaan iyo mar walba muhiim u ah dalka,isla markaana sidii loo dhisi lahaa ay dadaal ku bixiso.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Fedeeraalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa sii xoogeystay maalmihii la soo dhaafay,waxaana xoogiisa uu yimid dib u doorashadii dwoladda Federaalka oo dowladda Federaalka ay sheegtay inaysan aqoonsaneyn.