Akhriso:-Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad shil ku gashay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Wararka ka imanaya garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad nooca xamuulka qaada ah ay lugaha u bixi waayeen balse ay degtey iyadoo aan wax waxyeelo ah geysan.

Lama oga sababta keentay in lugaha ay u bixi waayeen diyaarada oo ka timid magaalada Diinsoor ee gobolka Bay halkaa oo ay geysay xamuul.

Ma jiro wax waxyeelo ah oo ka soo gaartay duuliyihii diyaarada iyo shaqaalihi kale ee saarnaa diyaarada, waxana ay bilaabeen shaqaalaha garoonka sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Maamulka garoonka diyaaradaha ayaan weli ka hadlin dhacdadan maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo maalin walba ay diyaarado badan soo cagadhigtaan.