TOP NEWS:-Wasiiro Ka Tirsan DFS Oo Gaaray Magaalada Boosaaso

0

Gelinkii dambe ee Maanta waxaa Magaalaa Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaas loogu soo dhaweeyay balse aan saxaafada loo ogaalin in ay muuqaalo ka duubaan si xogta dhanta ah loo ogaanin

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi bidhaan iyo Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre.

Wafdigan Maanta gaaray Boosaaso oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa waxaa uu jeedkoodu yahay sida la sheega inay la kulmaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana ay ka hadlayaan sidii xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Sidoo kale inta ay ku sugan Wasiirada ka socda dowladda Magaalada Boosaaso waxaa ay kulamo la qaadan doona Madaxda Puntland,waxaana halkaas ay ka bilaabi doonaan kulamo lagu xalinayo Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale Wafdigan ayaa waxaa la sheegayaa in Puntland ay kala hadli doonaa sidii ay joojin laheyd taageerada ay siineyso dowlad Goboleedka Jubbaland oo Khilaaf  Xoogan uu kala dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya in kasta oo aan laga hor dhici karin xogtaas.

Kala soco wixii soo kordha ALGG