Shir looga hadlayo ka hortaga socdaalka sharci darada ah oo ka furmay Muqdisho

0

Qaar ka mid ah Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa ka qeybgalay shir ka furmay magaalada Muqdisho oo ku  saabsan ka hortagga socdaalada sharcidarada ah.

Shirkan oo kor loogu qaadaayo xirfadaha aqooneed ee  Saraakiishaasi,waxa uu socon doono muddo shan maalin ah,iyadoo macalimiin Turki ah ay bixin donaan casharro khuseeya socdaalada sharcidarada ah.

Shirkan waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha amniga iyo arrimaha gudaha ee safaarada turkiga Col. Ahmet Altan.