SAWIRRO:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa  Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Xoghaye guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Guddoomiye Cumar ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga Caasimadda iyo taageerada Qaramada midoobay ee Xaqiijinta nanadgalyada.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakacayasha Caasimadda.

Mr Swan waxa uu dhankiisa balanqaaday in ay xoojinayaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir Waxa uuna balan qaaday taageerada iyo garab istaagga Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa Gudoomiyaha ku wehliyey Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan Gobolka.

24-kii July ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobey Mr Swan oo booqday xarunta Dowladda Hoose uu ku soo dhoweeyay Duqii hore ee Muqdisho Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, iyadoo saacado kaddib booqashadiis uu xarunta gobolka ka dhacay qaraxii sababay dhimashada Guddoomiyeyaal iyo Agaasimayaal, waxaana todobaad kaddib uu Eng Yariisow u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxaas.