Midowga Afrika oo bixiyay Mushaarka 6 bilood ee Ciidanka AMISOM ee Somaliya

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika uu bixiyay mushaarka Ciidamada dalka Uganda ee ka tirsan AMISOM.

Mushaarka oo lixdii bilood ee u dhaxeeyay January ilaa June 2019 ah ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Uganda sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Uganda.

Richard Karimire oo ah Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in dowladda heshay mushaarka lix bilood oo ciidamadeeda qeybta AMISOM ah islamarkaana ay ka maqanyihiin lixda bilood ee ugu  dambeysa sanadkan.

Waxaa kale oo uu sheegay in todobaadkan gudahiisa ay Ciidamadaas lacagta ugu dhici doonta akoonnadooda Bangiyada ee ay leeyihiin.

Sarkaal kale oo u hadlay Dowladda Uganda ayaa sheegay in 530 Askari oo ah Ciidanka Uganda ee ilaaliyaha xarumaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho aysan helin mushaarkooda 12kii bilood ee ugu dambeysay taas oo uu sheegay in uu walaac ka taaganyahay.

Waxaa kale oo uu sarkaalkaas sheegay in qeyb kale oo tiradoodu gaareyso 1830 Askari oo iyana Qaramada midoobey magaceeda ku jooga Soomaaliya aysan mushaar helin muddo arrintaasina walaac ku heyso dowladda Uganda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in dhamaadka Bishan October ay howlaha qaramada Midoobey ku dhowyihiin in ay istaagaan kaddib markii waddamada Xubnaha ka ah golaha ay bixin waayeen 30% miisaaniyaddii uu Goluhu ku shaqeyn lahaa.