Madaxweyne Farmaajo oo farriin Tacsi ah u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay Madaxweyne Geelle geeridii ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.