Jen. Tuuryare oo ugu baaqay dowladda Federaalka inay fuliso Heshiiskii ay la gashay Ahlusuna

0

Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in la fuliyo heshiiskii lala galay Ahlusuna Wal-jameeca.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay mudan yihiin in loo abaabulo gudo, laguna ixtiraamo halgankii ay u soo galeen in maanta Dhuusamareeb lagu qabto doorasho,

“Ahlusuna waxay mudan yihiin in loo abaal gudo, halgan ayay soo galeen, dad baa uga shahiiday, dowladda Federaalka ayay heshiis la galeen, hadba wixii lagula heshiiyay inuu fulo ayaa Galmudug dan u ah, dadka soo halgamay dan u ah”ayuu yiri C/raxmaan Tuuryare.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka aaminsan in Ahlusuna loo fuliyo xuquuqda siyaasadeed ee ay leedahay, isagoo xusay in dowladda Federaalka ku amaanan tahay inay qarameyso ciidamada Ahlusuna.

Dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa horay heshiis u wada galay oo ku aadan hannaanka loo dhisayo Galmudug oo loo dhan yahay, iyadoo la qarameeyay dhammaan ciidamadii Ahlusuna, waxaana dhowaan xubno ka tirsna Ahlusuna ay dalbadeen in heshiisyada qaar loo fuliyo, oo ay ka mid tahay dhanka siyaasadda.