Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Baaq Deg-Deg Ah U Diray Madaxda Dowladda

0

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Tallaado waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah Xisbiyada  siyaasadeed ee dalka ka jira.

Kulanka u dhexeeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada ayaa waxaa uu ahaa mid wadatashi ah oo ay yeeshaan labada dhinac,si loo dardar-geliyo wadashaqeynta labada dhinac.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Ismaaciil Xaliimo  Yarey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Guddiga caqabad ay ka heysato dhanka Xafiisyada uu ku shaqeeyo ee ku dhex yaalla Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in tan iyo markii la aas-aasay Guddiga Doorashooyinka uu Guddiga raadinyay Xarun  oo ku shaqeeyo,isla markaana si isugu mid ah uu Xisbiyada siyaasadda ugu wadashaqeyo.

Sidoo kale Guddoomiye Xaliima ayaa tilmaamtay in xiligaan Guddiga uu soo gaaray meel sare ayna badan yihiin Shaqaalaha u shaqeeysa,isla markaana ay u baahan yihiin Xafiisyo oo loo dhiso.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay inay guddiga u dhisaan Guriyo Banaanka ka ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee ay ku shaqeyaan gudigooda.