DHAGEYSO:-Maamulka Jubbaland ka digay kacdoon ka dhasha xariga Wasiir Janan

0

Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan),kaas oo Garoonka Muqdisho laga qabtay 31-kii Bishii Agoosto xilli uu kusii jeeday dalka Itoobiya.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka hadlay xariga Wasiirka,iyaga oo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalata xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, iyada oo ay jirtay banaanbaxyo looga soo horjeeday oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gedo iyo Jubbooyinka.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in cadaadiska farabadan oo Dowladda Soomaaliya ay ku heyso Maamulka Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon Bulsho.