Waxyaalo Muhiim ah oo Shidaalka Somaliya Ah

0

Wasiir Ku-Xiggeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS Maxamud Cabdiqadir Hilaal ooo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa uga furmay Shir muhiim ah oo ay Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta soo qaban qaabisay, kana soo qayb galeen Xubno ka socda Guddiyada Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Aqal sare ee BJFS, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta shaqo la ah Wasaaradda.

Shirkaan oo sidoo kale ka soo qayb galeen khuburo ka timid wadanka Norway ayaa soconayay maalmo kooban, waxaana diiradda lagu saarayay dar-dar galinta ka faa’iidaysiga Kheyraadka, gaar ahaan Shidaal ka sida ugu wanaagsan ee loo maamulo heerar kiisa kala duwan iyo mabaadi’da waawayn ee ay tahay in la ilaaliyo.

Markii Dawladda Federaalka ka baxday Ku Meelgaarnimada, oo aqoonsi buuxda heshay , ayaa Soma Oil and Gas la saxiixatay heshiis ah inay maalgeliso baarista saysmikada ee 2-D ee Badda Indian Ocean-ka Soomaaliya; shirkaddaasna loo oggolaado in heshiis PSA lagula galo 12 Xirmo-badeed (12 Offshore blocks) ah.

Soma Oil and Gas, waxaa u sammeeyay sahanka 2-D shirkado sub-contract ah oo kala ah SeaBird Exploration, Spectrum iyo RPS Group.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka leh xeebta aadka u dheer ee dhinaca bad Waynta Hindiya u furan oo aan dalal kale kaga soo dhaweyn. Dalalka badda furan waxay sheegan karaan baaxad ka weyn 200nmi, ayadoo la raacayo Article 76 ee xeerka Qarammada Midoobay. Dalalkaas sidaas sheegan kara waxaa ka mid ah Australia, New Zealand, Brazil, Namibia, Soomaaliya iyo Hindiya. (Prescott & Schofield 2005: 51).

Dhinaca kale, Shirkadaha Shell, ExxonMobil iyo Total waxay aad u xiiseenayeen badda Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen Spectrum inay buuxiso shabakaddii 2-D ee Soma Oil oo ahaa 20 x 20 km kal-fogaansho (spacing) in laga dhigo 10 x 10 km kala-fogaansho (spacing) iyo in lagu daro baarista biyaha aan moolka ahayn oo ballacoodu yahay 12 nautical mile. Spectrum 2016 ayay hawshaas dhammaysay.

Sidaas waxaa ku dhammays tirmay baarista badda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Gobolka Benadir, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaan baaris illaa hadda laga sammaynin badaha Puntland iyo Somaliland. Waxaan ogahay badda Somaliland qeyb ka mid ah inay baartay TGS oo dhawaan gadatay Spectrum.

Labada shirkadood waa shirkado sammeeya 2-D saysmikis oo Norway laga lee yahay.

Shirkadaha danaynaya badda Soomaaliya inay shidaal ka soo saaraan: Shirkadahaan waxaa ka mid ah kuwa waaweyn, kuwa dhexaad ah iyo kuwa yaryar. Kuwa waaweyn waa Shell, ExxonMobil, Total, ENI, BP iyo Equinor.

Shirkadaha dhexe waxaa ka mid ah: ONGC, Anadarco, Apache iyo Tullow. Shirkadaha yar-yarka ah inta badan waa shirkado carcar (aggressive) ah oo dhaqso wax soo saara ama raba inay shirkad kale ku wareejiyaan hawsha, dhexda ka faa’idaan (Asset flippers).

Shirkadaha yar-yarka ah qaabka ay heshiiska ku galaan ayaa musuqmaasuq iyo daah-furnaan la’aan hareeraysaa, halka shirkadaha waaweyn ee u naxa sumcadooda iyo suuqa ay ka diiwaan-gashan yihiin – bursa ama stock market.

Shirkadaha yaryarka ee Soomaaliya jooga waxaa ka mid ah Soma Oil and Gas, Liberty Petroleum iyo Genel Energy (Somaliland). Africa Oil way ka baxday Puntland, inkastoo la rabay Dooxada Nugaal inay ceel qodid ka bilowdo.

Caqabadaha hor taagan shirkadaha:

Waxaa ugu horraysa amni darrada, sharciyada iyo xeerarka nidaaminta shidaalka oo aan fadhinin oo isbaddelo joogto ah ku dhaca, xasilooni-darro siyaasadeed, xasarradaha siyaasadeed oo joogto noqday, daah-furnaan yarida iyo musuq-maasuq baahsan.

Caqabadahaa oo runtii saamayn xoog leh ku yeeshay shirkadihii maal-gelin lahaa oo hormarin lahaa shidaalka Soomaaliya. Tusaale waxaa noo ah in Shell-ExxonMobil (oo heshiis Soomaaliya kula jira) ay weli aaminsan yihiin Somalia inay ka jirto xaaladda Force Majeure, oo aan shaqo laga dhex qaban karin.

Arrimahaas kor ku qoran, waa in DFS u heshaa xal iyo inay ka shaqo gasho sida loo beddeli lahaa iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxaa aad muhiim u ah inay isla jaan-qaadaan DFS iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Caqabadda kale ayaa ah in tamarta shidaalka laga gudbi rabo, ka dib markay sabab u noqotay in cimillada adduunyada is-bedesho iyo heerkulka dunida kordho. Dunida waxay gashay dadaal cusub oo dhanka tamarta qorraxda iyo dabeysha lagu hormarinayo.

Waxaa si xawaare leh u soo kordhaya teknoolojiyada tamarta qoraxda, dabeesha iyo niyuukliirka looga faa’idaysan lahaa. Tusaale ahaan Bangiga Adduunka waa u joojiyay maal-gelinta shirkadaha shidaalka sahmiya oo soo saara, laga billaabo 2020 ka. Sidaas awgeed, Soomaaliya waxay haysataa waqti yar oo ay kaga faaidaysan karto shidaalka.

Siyaasi: Siciid Cali axmed Qurbaawi

Xisbiga: Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here