TOP NEWS:-DF Soomaaliya oo raaligalin ka bixinaysa talaabadii lagu xayiray safarkii sheekh shariif ee kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdish ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo goor dhaw u soo dhamaaday Xukuumadda xubno katirsan oo uu hogaaminayay wasiirka koowaad Xassan Cali Kheyre ay isku afgarteen in ay raaligalin ugu tagaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta loo diiday in uu usocdaalo magaalada Kismaayo.

Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa dadaal galinaya sidii meelmar looga dhigi lahaa in raaligalin la siiyo Shariif Sh Axmed.

Wasiirka koowaad Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu wada hadal arrintan ku saabsan la yeeshay Sarakiisha garoonka markii ay dhaceysay,kuna adkeystay ayaa hadda isku dayaya sidii wax looga qaban lahaa caro xoogan oo ka dhalatay.

Kulan deg deg ah ayay hadda leeyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo kala ah Shariif Sh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, Cali Mahdi Maxamed iyo siyaasiin kala duwan oo ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa la filayaa in arintaas xal nabadeed lagu dhameeyo.