Sirdoonka Itoobiya oo sheegay in uu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab & Daacish

0

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Sabtigii ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah AL-shabaab iyo Daacish kuwaas oo qorsheynayay weerarro ay ka geystaan dalka Itoobiya.

Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa baahisay in xubnaha la qab qabtay qaarkood ay xogo ururinayeen kuwana sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayo in ay beegsadaan.

Meelaha ay beegsanayeen waxaa ka mid ah Hoteellada, goobaha cibaadada, meelaha dadka ku badanyihiin iyo meelo kale oo dhamaan ka wada tirsan Adis ababa sida ay shaacisay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS.

NISS, ayaa sidoo kale sheegtay in sirdoonnada Itoobiya iyo Jabuuti iska kaashanayaan sidii loo qaban lahaa Maxamed Cabdullahi oo ah hoggaamiyaha kooxda qaarkood la qabtay.

Goobaha laga qabtay ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Adis ababa,Gobolka Oromada, iyo Gobolka Soomaalida .