Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qarax ku qaaday Saldhigga Ciidamada ee Ceel Saliini

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ku lahaayeen Ceel Saliini ee hoostaga magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan weerarkan ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lagu furay afaafka hore ee xerada, waxaana xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka oo la sheegay inuu qaatay saacado badan, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andalus ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhigga, isla markaana khasaare xooggan ay gaarsiiyeen Ciidamada dowladda.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen gaadiid dagaal ay lahaayeen Ciidamada iyo hub u yaallay saldhigga.

Ciidamada lagu weeraray Saldhigga deegaanka Ceel Saliini ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidan horay ugu sugnaa deegaanka Dhanaani ee duleedka Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku aadan weerarka Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhigga Ciidamada ee Ceel Saliini.