AKHRISO:-DFS oo ka hadashay weerarkii Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo uu ka dhacay dagaal in ka badan saacad halkaasi ka socday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga Dalka ayaa warqaabinta Dowaldda u sheegay in Cidiamada dowaldda ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ka dhacay qaadeen deegaanka Ceel Saliini,isla markaana ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in deegaanka Ceel Saliini ay gacanta ugu hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyagoo galkaasi ka wada howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday saldhiga Ciidamada.

Xaalad kacsanaan ah ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo dadka deegaannada qaarkood ay sheegayaan inay cabsi dareemayaan.