Maraykanka oo Ciidamo Gaynaya Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Gurmad Codsaday

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa go’aansaday inuu ciidamo dheeraad ah u diro dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka kadib weerarkii asbuucii hore lagu qaaday xarumaha shidaalka ee wadanka Sacuudiga.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu xoojiyo difaac cirka ee wadamadaasi oo taageerada ka codsaday Maraykanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper ayaa sheegay in ay dhici karto Maraykanka inuu mustaqbalka qaado tilaabooyin kale oo loogu jawaabayo Dawladda IIRAAN.

Balse xiligan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waa uu kasoo horjeedaa dagaal lala galo IIRAAN oo dhaawac ku keeni karta dhaqaalaha dalka Maraykanka iyo ololihiisa doorashada 2020.