DAAWO:-Dagaal iyo Xiisad Colaadeed oo Dib uga Bilaabatay Deeganka Ceel-Afwayn

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale dib uga Qarxay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi, Wuxuuna dagaalku yimid, kadib markii meelashiyaadkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul daaqsimeed.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 5 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadaasi ay ku baxeen ciidamada Somaliland, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.