Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Africa

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Africa, kuwaas oo kasoo qayb-galay shirka Maalgashiga Puntland oo maalintii labaad ka socda Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Guddoomiye Ku-xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia Cali Baashe Bare iyo Ganacsade Soomaaliyeed oo kamida Ganacsatada dalka Kenya ayaa ka hadlay kulankani iyo muhiimadda Shirka Maalgashiga Puntland uu leeyahay.

Guddoomiye Cali Baashe Bare ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo Shirka Maalgashiga Puntland,isla markaana waxaa uu xusay in Madaxweynaha Puntland ay kala hadleen isaga iyo Ganacsato kale oo Soomaali ah sidii ay Maalgashi uga sameeyn lahaa deegaanada Puntland.

Sidoo kale Ganacsade Soomaali ah oo ka yimid dalka Kenya ayaa shegay isna in Shirka lagu soo bandhigay fursado kala duwan oo u baahan in deegaanada Puntland la maalgashado,isagoo tilmaamay inuu aad uga faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Puntland.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland  ayaa waxaa ka socda Shirka Maalgashiga Puntland,kaasi qeyb galayaan Ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanib ah kuwaasoo ka kala yimid dalal ku yaal qaarada Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo dalal kale.