Akhriso:-Soomaaliya Oo Gudbisay Warbixin Taariikhi Ah Oo Ku Aadan CRC

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ku dhawaaqday soo saarista Warbixinta Billowga ah ee Soomaaliya ee ku aadan fulinta axdigii caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC).

Warbixintani waxaa la soo saaray kaddib markii Soomaaliya ay noqotay waddankii 196aad ee saxiixa axdigaan sannadkii 2015ka.

Dhacdadan waxay muujineysaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya qaaday si ay u gudato waajibaadka ka saaran soo gudbinta warbixinno ku aadan heshiisyo iyo axdiyo kala duwan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.