AKHRISO:- Wasaaradda Gaadiidka oo ka laabatay heshiisyo ay horay la gashay Shan shirkadood

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka laabatay Heshiis ay horay ula gashay illaa shan shirkadood, kuwaasoo heshiis lagula galay hubinta iyo illaalinta badqabka gaadiidka.

Heshiiskan oo aan horay u shaacin Wasaaradda ayaa qoraal ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa lagu sheegay in lagala noqday heshiisyadii tijaabada ahaa ee lala galay shirkadaha (M.T.O Kalaawito)

Shirkadaha lagala laabtay heshiiska ayaa waxay kala yihiin General Motors, Balqiisa General, Sawaasiya General, Barwaaqo General iyo Gaagaale General.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada Wasaaradda