AKHRISO:- Soomaaliya oo guulo ka soo hoysay Shirweyniha Isgaarsiinta Adduunka

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena.

Kulankii ugu horreeyay ayay wasiirka iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta, Md. Cabdi Sheekh, waxay la yeesheen Xoghayaha Guud ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Horumarinta, Ms. Doreen Bogdan-Martin, iyagoo ka wada hadlay sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay Qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda & Istaraatiijiyada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, Tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii dalka Shiinuhu gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay dawladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyada ee dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka, iyo sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.