AKHRISO:- Safiirka Cusub ee DFS u magacawday Maraykanka oo Warqadaha Aqoonsiga laga gudoomay

0

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga, kaddib muddo bilo ah oo uu sugayay.

Danjire Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Kuxigeenka Madaxa Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Mary-Kate Fisher.

Amb. Cali Shariif ayaa laga soo bedelay dalka Itoobiya oo muddo lix bilood uu ka ahaa Safiir, sidoo kale waxaa uu Safiir ka soo ahaa Faransiiska oo sanadkii 2016 laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa tan iyo horaantii sanadkii 2018 aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Safiirkii hore Amb. Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

5-tii sano ee u dambeeyay Soomaaliya ayaa illaa saddex Safiir u magacawday Soomaaliya, iyadoo markii u horeysay muddo labaatan sano kaddib burburkii Safiirkii u horeeyay ee ay Soomaaliya u magacawday Mareykanka uu ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sanadkii 2014 uu Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay, sidoo kale markii Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay sanadkii 2015 waxaa mar kale ay Soomaaliya u magacawday Safiir cusub dalka Mareykanka, waxaana uu ahaa Amb. Axmed Ciise Cawad oo isna mar kale waraaqadaha aqoonsiga uu ka guddoomay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.