SAWIRRO:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo dil iyo xabsi ku xukuntay 2 ka tirsanaa argagixisada

0

Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhowaaqday go’aanka dacwad ciqaabeed loo haystay xubno lagu soo eedeeyay Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysane Xasan Cali Macalin Barre , uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhisgista Gawaarida qaraxyada sida goobaha ay Shacabku ku badan yihiin.

Waxaanay sheegtay Maxkamddu in 26/11/2018, uu Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FILDER , kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale.

Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), oo isna Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda.

Halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey), isaguna lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah.

Maxkamadda CQS ayaa ugu dambayn Maanta oo ah Khamiis 12/9/2019-ka Xasan Cali Macalin Barre (XasanBoy) ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ku xukuntay Xabsi daa’in, halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) ay ammartay in la sii daayo.

Waxayna Maxkamaddu sheegtay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan.