Maxkamada sare ee Mareykanka oo ogolaatay qorshe lagu dhimayo Muhaajiriinta

0

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan.

Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta aysan Maraykanka imaan.

Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda.

Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoyisay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”.

Hadafyada waawayn ee uu lahaa Trump intii uu madaxweynaha noqday waxaa ka mid ahaa dhimidda dadka soogalootiga ah ee dalka Maraykanka, qayb wayn ayayna ka tahay qorshaha uu rabo in dib loogu soo doorto sannadka 2020.

Markii qorshahan la soo bandhigay bishii Luulyo ee sannadkan isla markiiba waa la hakiyay si uusan u dhaqan galin, sidaas darteed warbaahinta Maraykanka ayaa u aragta guul uu gaaray maamulka Trump.