Maleeshiyaad maanta ku dagaalamay Balanbale

0

Wararka ka imaanaya Balanbale ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed  oo wada dega degmadaasi.

Dagaalkaan oo khasaare geestay ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay ka dib markii beelahaan ay isku fahmi waayeen dhul daaqsin ah oo ku yaala duleedka Balanbale.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa  ku geeriyooday hal qof oo ah maleeshiyaadka dagaalamay,  halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aanooyin qabiil, islamarkaana maanta xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaankaasi.

Dad u badan reer guuraa ayaa ka baxsanaya halka hadda dagaalkaan uu ka socdo, mana jirto ilaa iyo iminka cid si gaar ah isugu xilqaantay in dagaalka ay joojiso.