Dowladda Federaalka oo sheegtay in Odayaasha ay soo bandhigeen Al-Shabaab aanay aheyn kuwii rasmiga ahaa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay odayaal dhaqameedyo ay dhowaan soo bandhigeen al-Shabaab. Kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya. Ayaa lagu sheegay in odayaasha ay soo bandhigeen Al-Shabaab aysan aheyn kuwii rasmiga ahaa. Isla markaana ay yihiin kuwo been abuur ah. Kuwaas oo ugeliyey koofiyado iyo cimaamado, ayna qasab uga hadal siiyeen.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan. Ku soo bandhigay Odayaal iyo ergooyinka soo doortay Xildhibaanada. Kuwaasoo ay u qabteen muddo 45 cisho inay isku soo diiwaan geliyaan, waxaana illaa hataan ay soo bandhigeen Odayaashii soo xulay ergooyinka soo doortay Xildhibaanada Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle.